AMAR WAALID WAA ARDAA AAN LAMARIN (QISO MURUGO BADAN)
Aduunyadu layaab lehe kowsar oo markii ay dhegesatey heestii bureeqo uu saaqay dareen jacayl ayaa jacayl dhab ah u qaaday cali shire oo ahaa dalmar saaxiibkii inkastoo qofka kowsar jecel uu ahaa dalmar laakiin ayaan daro jacaylkii wuxuu u abuurmay si qaldan kadib markii si lama filaan ah ay kowsar u soo wacday cali shire ayna u sheegtay in ay markii hore la wadaagtey kalgacayl laakiin iminka ay u hayso jacayl cali shire oo garan waayey sida uu wax ugu sheegi lahaa kowsar ayaa hadalkiisii ku soo gaabiyey wakhti kale ayaan ku soo wacayaa cali shire oo layaaban sidii uu wax ugu sheegi lahaa saabiibkii ahaa arkay dalmar wuxuuna sheekadii u bedeley in uu war ka helay kowsar ayna u sheegtay in ay qof jeceshahay dalmar oo hoos eegaaya ayaa dareemay naxdin wadnihiisa dhaawacday waxaana indhihiisa ku soo istaagey ilmo cali shire oo walaac fara badan hayo ayaa sxb kiis la calool xumaaday laakiin uma sheegin in qofka kowsar ay jeclaatay uu yahay cali shire laftiisa damlar ayaa waydiistey saaxibkiis in uu ka caawiyo sidii uu hal mar u arki lahaa kowsar ka dibna uu isku deyi doono in uu wax u sheegto. wuu ka aqbalay cali shire wuxuuna wacay kowsar wuxuuna weydiistay in uu u baahan yahay in uu la kulmo uuna soo raacayo sxbkiis maalmo ka dib ayey kulmeen kowsar iyo calki shire oo uu weheliyo dalmar waxaase durbadiiba soo ifbaxay dhaawac gaaray dalmar ka dib markii ay kowsar ka soo hor baxday oo ay si dareen jacayl ku dheehay yahay u dhunkatay cali shire balse ay dalmar dusha uun ka salaantay dalmar waxa uu awoodi waayey in uu ilmada isku celiyo waayo wuxuu rajeynaayey in uu maanta wakhti u helay in uu kowsar jacaylkiisa u sheego taasoo noqotay rajo aan dib u soo laaban calki shire ayaa soo gabagabeeyey kulankii kowsar una sheegay in uu sxb kiis xanuunsanaayo uuna baahan yahay in uu gurigiisii ku celiyo dalmar oo markii uu soo laabtay wacay abwaankii u sameeyey bureeqo ayaa uga sheekeeyey wixii ku dhacay waxa kale oo uu u shegay in ka shaki san yahay sxbkii waayo wuxuu arkay kowsar oo cali shire afka ka dhunkatay waxaana abwaankaas maskaxdiisa ku soo dhacay ereyadan INANTAAN ADUUNYADA AADANAHA DHAMAANTIIS AAN KA EEGANAYEY INANTAAN ADUUNYADA AXDI AANU DHIGANOO ISU UUR BANAANAYN ARXAN LAAWAYAASHII IBLIISKII LA SOO DIRAY SOW NAMA ILHAAMAY AXDI MA LEH HAWEENKU ARAMIDA JACAYLKIYO ILMO KAA DHACAYSIYO UUR XUMAY KU BADAYAA
W/Q Mohamed Jama (Mohamed akhyar)
Wixi Talo Dhaliil Ama Cabasho noogu So Hagaji
Email:Golobalnews@gmail.com
Xafiiska Arimaha Bulshada Golobalnews.com
Nairobi Kenya
Share on Facebook
