Milkiilaha Shabagada Facebook Oo Cadeestay Taagerada Uu Uhayo Yahuuda

Warbaahinta dalka Israel ayaa si wayn u qaada dhiigtay taageero laxaad leh oo uu si badheedh ah ula garab istaagay, mulkiilaha shabakada lagu wada xidhiidho ee Facebook Mark Zarkerberg, kaas oo shabakadiisa ku baahiyay sawir uu sito halku dheg ay ku qoran tahay waxaan Taageersanahay Israel, oo sida muuqata uu uga gol lahaa inuu taageeradiisa ku biiriyo dawlada Israel xiligii dirirtii Marinka Qaza Taagnayd ee todobaadkii hore.

Warbaahinta Israel oo faalooyin kala duwan ka bixisay mulkiilaha Facebook iyo talaabadiisan u danbaysay ee uu ku dhaqaaqay, oo ay sheegeen inuu yahay mid muujinaya sida uu u fahmay ninkaasi dhibaatada iyo ammaan darada ay shacbiga Israel ku hayso kooxda Islaamiga ah ee Xamaas.

Dhinac kale warbaahinta Israel waxa ay dadka reer Israel ee isticmaala facebook ugu baaqday, in ay ninkaas taageeradooda la garab istaagaan oo sida ugu wanaagsan u isticmaalaan shabakadiisa, waxaanay ku tilmaameen saaxiib qaaliya oo Israel leedahay dadka Yuhuuda ahina garanayaan oo abaalkaa u hayaan.

Wakhti dhawr bilood laga joogo ayay ahayd markii muran wayni dhex maray ninkaas leh shabakada facebook iyo wadaado reer Israel ah, kuwaas oo ka xanaaqsanaa guurka uu ninkaasi guursaday gabadh Shiine ah oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid aan diin lahayn, sidoo kale waxa ay kooxahaasi ku doodayeen inuu ninkaasi asal ahaan Yuhuudi yahay oo aanay u banaanayn inuu guursado qof kale oo diin kale aaminsan.

Murankaa xiisaha lahaa ee dhex maray kooxaha diinta ee Yuhuuda iyo Mulkiilaha Facebook ayaan la sheegin halka uu ku dhamaaday iyo jawaabka uu wiilkan dhalinyarada ah ee isla leh shabakada ugu balaadhan xidhiidhka bulshada ee dunidu waxa ay ku kala tageen iyo waxa uu kaga jawaabay midna.

Share on Facebook

Golobal News Network Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay,Ciyaarha ,Layaabka Dunida

Nasoo booqo xili kasta,

Fikradaha Akhristayaasha waa muhim (0)