Garoonka Stadium Banaadir Oo La Dhigayo Cows-ka Artifishalka Ah
Mas’uula ka Socdo mid ka mid ah Shirkadaha ka Shaqeeyo dhismaha garoomada kubada cagta ee laga leeyahay dalka Holland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho .
Ninkaan oo ah khbiir ku taqasusay dhismaha garoomada Kubadda cagta ayaa hataan ku sugan Garoonka Stadium Banaadir oo hataan uu ka socdo dhisme lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya.
Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in garoonka uu soo gaaray Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagt,isagoo soo injineeray qaabka loo goglayo cowskaasi.
Masuuliyiintii shalay kormeeray Garoonka Stadium Banaadir waxaa ka mid ahaa Xogahaya guud ee Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin ka tirtsan guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) iyagoona xariga k ajaray bilaabida Masruuca dhigista cows-ka garoonka.
Masruucaan ayaa qeyb ka ah howlaha dib u dhiska ee laga wado guud ahaan Magaalada Muqdisho,xili ay dagaalo ka socdeen mudo ku dhawaad 22 Sano ah.
mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab maanta.
Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dcalka soomaaliya ay hagaagto.
“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fudueeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.
Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.
Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.
Share on Facebook
