DEG DEG:Askari Canshuur Sharci Daro Qaadanayay Oo Saaka Lagu Dilay Dharkeynleey

Waxa goordhow suuq-boocle oo ku yaalla degmada Dharkeyleey ee magaalada Muqdisho lagu toogtay askari ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaasoo lacago canshuur aha ka qaadayay suuqaas.

Goobjooge ku sugan halka lagu dilay askarigan ayaa Radio Codka Qaranka u sheegay in askariga ay dileen ciidamo kale oo halkaas joogay, kaddib markii la arkay isagoo qaadaya lacago canshuur ah, oo labo cisho ka hor la mamnuucay, taasoo daba socotay markii isabaarooyin badan laga qaaday degmada.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa soo gaaray ciidamo kale, waxana xaalka uu yahay mid kacsan sida ay lee yihiin goobjoogayaal.

Waxa khalkhal uu ku yimid xaallada suuq-boocle, waxana xirmay goobihii ganacsiga ee ku yaallay suuq-boocle sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa dhawaan magaalada Muqdisho ka bilowday howlo lagu mamnuucayo isbaarooyinka teedsan magaalada Muqdisho, kaddib markii madaxweynaha uu ugu baaqay guddoomiyaha degmooyinka in arrintaas wax laga qabto.

Degmada Dharkeyleey waxa ka mid tahay degmooyinka ugu badan ee ay yaalaan Jidgooyinka sharci darada ah ee yaala magaalada Muqdisho.

Share on Facebook

Golobal News Network Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay,Ciyaarha ,Layaabka Dunida

Nasoo booqo xili kasta,

Fikradaha Akhristayaasha waa muhim (0)