Nabadoon Caan ah OO Cawa Lagu Togtay Magalada Muqdisho

Rag hubeysan ayaa waxay maqribnimadii  caawa ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee magaalada muqdisho Maxamed Maxamuud Yuusuf oo kamid ahaa odayal dhaqameedki soo xulay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayal ayaa u xaqiijiyay warbaahinta golobalnews.com  rag hubesan iney toogten Nabadoon  Maxamed Maxamuud Yuusuf  kadib marki uu gaari uu watay kuso baan kintay geerish aan sida uku fogeen hoyga uu ka dagan yahy xafada nastexo ee degmada wadajir waxa laku so waramaya raggi falkan gestay iney isga baxsaden goobti ay ku toogten nabadoonka

bishii  aan soo dhaafnay ayaa  waxaa Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed kale oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim  oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada cusub oo lagu toogtay degmada Waabari.

Ilaa haatan ma jirto cid  loo soo qabtay dilalka ka dhaca muqdisho  ee loo gaysanaayo  waxgaradka ,aqoonyahanka ,siyaasiyiinta,wallow markasta oo uu dhaco dil noo caan oo kale ah  ay masuuliyiina  Dawlada  sheegaan inay sida uga dhaqsaha badan wax uga qabanayaan ,mana jirto cid sii daba raacda intaas wixii ka danbeeya.

Share on Facebook

Golobal News Network Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay,Ciyaarha ,Layaabka Dunida

Nasoo booqo xili kasta,

Fikradaha Akhristayaasha waa muhim (0)