Goolhaye Julio Cesar Oo Sheegay Inuu Ku Faraxsan Yahay La Joogida QPR
Goolhayaha QPR Julio Cesar ayaa beeniyey warar sheegayay in uu aad uga xunyahay ku biiridiisa kooxda ugu hooseysa horyaalka Ingiriiska.
Goolhayaha reer Brazil ayaa lix kulan u saftay kooxda QPR tan iyo markii uu ku soo biirey kooxda isagoo ka soo tegey Inter Milan balse illaa iyo hadda wax guul ah lama qeybsan kooxda.
33-jirkan ayaa waxa uu sheegay in uu sameeyey xulasho wanaagsan uuna xoogga saarayo sidii uu u hormarin lahaa qaab ciyaareedkiisa.
“Kuma faraxsani qaab ciyaareedkeyga tan iyo markii aan halkan imid,”ayuu u sheegay The Sun. “Balse kama xumi xulashadii aan sameeyey ee aan ku soo biirey QPR.Waxaan doonayaa in aan tuso taaageerayaasha inaan ahay Julio Cesarkii u soo ciyaaray Brazil iyo Inter Milan.Taas ayaa ah riyadayda.
“Waa wax aan la qaadan karin inaan weli hal kulan aan guul ku dhamaysan horyaalkan, balse waxaan aaminsanahay inaan ahayn koox xun laakiin waxaa nahay koox nasiib daro ay ku dhacday.”
Cesar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu la qabsanayo nolosha magaalada London waxana uu barbar dhigey sida looga jecel yahay England kubbada cagta tan uu ku soo arkay wadamada ku yaal Koofur America.
Share on Facebook
