Jen, Maalin; Xog Dhab Ah Ayaan Ka Hesana Meelahi Laga Soo Tuuray Madaafiicdii Habeen Hore”

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan kooxihii habeen hore madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii Madaafiicda looga soo tuuray.

Kadib howlgal ay ciidamadu wadeen shalay ilaa xalay ayaa taliyaha Booliiska Gobolka banaadir Jen. Axmed xasan Maalin uu Radio Muqdisho u sheegay in xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ay aheyd meelihii madaafiicda laga soo tuuray.

“Xaafada Gubta ayaa madaafiicdii habeen hore laga soo tuuray, waxaana soo tuuray kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya kana tirsan nabad diidka gacanta ayaana ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Maalin.

Jen Maalin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay heleen qolofyadii madaafiicda la tuuray habeen hore, waxaana uu carrabka ku adkeeyay iney xoojindoonaan ammaanka casimadda.

Wixi Talo Dhaliil Ama Cabasho noogu So Hagaji

Email:Golobalnews@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Golobalnews.com 

Muqdisho Somalia

Share on Facebook

Golobal News Network Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay,Ciyaarha ,Layaabka Dunida

Nasoo booqo xili kasta,

Fikradaha Akhristayaasha waa muhim (0)