Qarax Miino Oo Lala Begsaday Cidamo Etoobiyaan Ah Gobolka Hiiraan
Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu maantay ka dhacay deegaanka Kala Beer ee gobalka Hiiraan kaa oo lala eegtay Ciidamo iskugu jira Soomali iyo Etoobiyaan.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka gobalka Hiiraan Axmad Cismaan Inji ayaa Warbaahinta Luuqcapital.com uxaqijiyay in 2 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen Qaraxii maantay asagoona meesha ka saaray in ay jiraan qasaaro soo gaaray ciidamadda Etoobiyaanka iyo Soomaalida iskugu jiray oo lala bartilmamed saday.
Dhanka kale Xarkadda Al-Shabaabayaa sheegatay mas’uliyadda qaraxii maantay ayagoona sheegay in ciidamo Etoobiyaan ah oo gaaraya 5 in ay dileen halka 7 kalana ay dhaawaceen oo ay ku jiraan Ciidamadda Soomalida ah.
Majiaan ilo kamadax banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya Qasaaraha rasmiga ah ee uu geestay Qaraxii maantay ka dhacay deegaanka kala beerka oo isku xirta deegaanadda Gobaladda dhexe iyo kuwa Koonfureed.
Wixi Talo Dhaliil Ama Cabasho noogu So Hagaji
Email:Golobalnews@gmail.com
Xafiiska Warqabadka Golobalnews.com
Nairobi Kenya
Share on Facebook
