Barakac Xoogan Oo Saaka Ka Socdo Jowhar Iyo Al-shabaab Oo Isaga Baxdxay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ay garab ka helayo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in goordhow ay weerar ku qaadeen Magaalada Jowhar ,iyagoo haatan ku sugan afaafka hore ee Magaalada Jowhar ee xrunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka waxeey intaasi ku darayaan in Shacaba ku dhaqan magaalada Jowhra  ay saaka bilaabeen barakac xoogan ,iyagoo ka baqdin qabo dagaal ka qarxo gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ay isaga carareen magaalada Jowhar.

Xaalada Magaalada Joiwhar ayaa guud ahaan  saaka cakiran,waxaana la filayaa in goordhow Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay la wareegaan gacan ku heynta Magaaladaasi.

Wixi Talo Dhaliil Ama Cabasho noogu So Hagaji

Email:Golobalnews@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Golobalnews.com

Muqdisho Somalia

Share on Facebook

Golobal News Network Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay,Ciyaarha ,Layaabka Dunida

Nasoo booqo xili kasta,

Fikradaha Akhristayaasha waa muhim (0)