Mikel Arteta Oo Ka Saaciday Arsenal In Guul Ay U Dagaalantay Ay Ka Gaarto Kooxda QPR.
Arsenal ayaa guul a u daagalantay ka gaartay kooxda QPR oo ay kaga badiyeen 1-0 ciyaar ka dhacday garoonka Emirates Stadium, iyadoo goolka guusha uu xilli danbe u dhaliyay ciyaaryahanka reer Spain Mikel Arteta.
Kulankaan ayaa waxa uu taageerayaasha Arsenal u ahaa ka hor inta uusan bilaabanba mid ay farxad ku soo dhaweeyeen ka dib xiddigooda da’da yar Jack Wilshere oo ciyaarta ku soo bilowday markii ugu horeysay muddo 17 bilood ah isagoo ku maqnaa dhaawacyo muddo dheer ah.
Waxaa sidoo kale isna ku soo bilowday kulankaan Bacary Sagna oo isna dhaawa muddo dheer ku maqnaa.
Furadii ugu horeysay ee ugu fiicneyd ee ciyaarta ayaa Arsenal soo martay daqiiqadii 10aad ka dib markii Sagna uu soo dhigay karoos aad u qurux badan oo uu ka keenay dhanka midig, Ramsey ayaana madax ku taabtay, laakiin kubada ay ku dhacday birta kore ee goolka banaanka ayayna u sii baxday.
Daqiiqadii 29aad ayaa Giroud uu shuut qatar ah xagal ciriiri ah oo dhanka bidix ka soo toogay, Julio Cesar ayaa kubada ku dhigi waayay, laakiin isku daygiisii labaad waa uu qabtay kubada.
Qeybtii hore ayaysan taageerayaasha martida loo ahaa helin wixii ay filayeen, iyadoo ciyaarta ay u muuqatay mid si degan ku socota, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Arsenal oo ciyaarta inteeda badan heysatay ayaana bilowgii qeybta labaad sii waday kubada dhisitaankooda iyo weerarada ay qaadayeen, iyadoo Jack Wilshere uu ka dhex muuqday ciyaarta tan iyo qeybtii hore.
Daqiiqadii 51aad ayaa Arsenal ay heshay laad xor ah, waxaana kubadii la soo tuuray madaxa la helay daafaca dhererka leh Mertesacker, laakiin isku daygiisii waxaa badbaadiyay Julio Cesar.
Seddex daqiiqo ka dib QPR ayaa kubad dhex dhigtay shabaqa Arsenal, laakiin offside ayay aheyd, iyadoo Granero uu kubad u qaaday Hoilett kaasoo isna ka sii dulqaaday goolhaye Mannone, laakiin weeraryahanka ayaa offside iska cad ku jiray.
Arsenal ayaana sii wadatay kubad heysashadooda iyo isku daygooda ay ku raadinayeen inay heleen gool, laakiin fursad dahabi ah ayaa soo martay daqiiqadii 77aad markii Walcott oo bedelay Wilshere uu dhanka bidix ka keenay karoos qatar ah, waxaana madax ku soo celiyay Mbia, iyadoo kubada uu afka hore ee goolka hadiyad ahaan uu ku helay Cazorla kaasoo shuudkiisii uu goolka ku abaarayay dusha sarre marsiiyay.
QPR ayaana 10 ciyaaryahan noqotay labo daqiiqo ka dib markii Mbia uu qalad xun ku galay daafaca Arsenal Vermaelen, waxaana uu garsooraha u taagay casaan toos ah.
Arsenal ayaana u muuqatay mid heshay gool ka dib markii kooner ay soo tuureen islamarkaana ay isku dayayeen QPR inay iska bixiyeen ay iyaga uun isku dhufteen, laakiin Julio Cesar oo maanta mashquul ahaa marka loo fiiriyo dhigiisa Mannone ayaa badbaadiyay, iyadoo Giroud uu ka gaari waayay.
Daqiiqadii 83aad ayayna Arsenal heshay goolkii ay baadigoobka ugu jireen, Arshavin oo bedel Gervinho oo dhaawac ku baxay ayaa karoos ka keenay dhanka bidix, waxaa madax la helay Giroud lakiin waxaa badbaadiyay Julio Cesar, kubada ma aysan bixin Arteta ayaa madax kale la galay oo waxaa ka beenisatay birta kore ee goolka ka hor inta uusan lugta ku dejin kubada islamarkaana shabaqa ku hubsan.
Waa goolkii ugu horeeyay ee Arteta ee uu u dhaliyay xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal.
Arsenal ayaana ku dhaweyd inay hesho goolka labaad ka dib markii kubad soo laabatay oo uu afaafka hore ee diilinta ganaaxa ka helay Ramsey kaasoo kubad awood leh oo dhulka ku socota ku abaaray goolka, laakiin Julio Cesar ayaa badbaadiyay mar kale.
Goolhaye Cesar oo QPR ka badbaadiyay maanta guuldarro culus ayaa hadana mar kale fursad qatar ah ka beeniyay Santi Cazorla oo kubad xoogan ka dhex tuuray diilinta ganaaxa.
QPR ayaa fursada dahabi ah oo ciyaarta ay ku barbareyn kareen heshay daqiiqii 89aad markii Adel Trabaat uu kubad u qaaday Granero, kaasoo fursad u heystay goolka balse darbadiisii waxa ay hareermartay goolka.
QPR ayaa mar kale fursad kale ay soo martay iyadoo Mackie uu kubad la dhexmaray seddex ciyaar oo Arsenal ah ka hor inta uusan la kortagin goolhayaha, balse fursadiisii waa laga beeniyay.
Goolka Arteta ayaana Arsenal ka caawiyay inay seddex dhibcood ku qaataan garoonkooda, waxaana ay isbuuca soo socda isku diyaarin doonaan kulan ay marti u yihiin kooxda Manchester United.
Share on Facebook
