Orodyahano Soomaaliyeed Oo Wacdaro Ka Dhigay Dalka Holland
Orodyahano Soomaaliyeed ayaa wacdaro ka dhigay tartan ciyaaraha fudud ah oo sanad walba Xilligaan oo kale lagu qabto Magaalada Nijmegen ee dalka Holland, kaasoo loogu Magacdaro 10 Van cuijk.
Axmed Sahal Xusseen & Maxamed Cali Maxamed oo ka wada tirsan naadiga Nijmegen Atletiek ayaa guulo usoo hooyay naadigooda iyagoona noqday 10-ka Ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa tartankaasi.
Axmed Sahal Xusseen oo orday 3KM, ayaa ku guuleestay kaalinta 3-aad, halka Maxamed Cali Maxamed uu ku tartamay orodka 5KM, uu galay kaalinta 1-aad.
Maxamed Cali Maxamed oo asal ahaan kaso jeeda Soomaaliya ayaa ciyaaraha Fudud ee Holland ku dhex jira Muddo 5-sanadood, halka Axmed Sahal Xuseen uu naadiga Nijmegen Atletiek ku biiray 2 todobaad ka hor.
Dalka Holland waxaa aad ugu soo badanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee Mustaqbalka wanaagsan ku leh ciyaaraha fudud iyadoo illaa iyo hadda inta la ogyahay ay gaarayaan illaa 7 ciyaaryahan.
Share on Facebook
